Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Nairobi ka Furay Aqoon-is-weydaarsi Shanta Maalmood Soconaya

0

Nairobi – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo kaashanaya Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqul Insaanka iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI), ayaa magaalada Nairobi ka furay aqoon-is-weydaarsi shan maalmood soconaya oo ku saabsan hoggaaminta sare iyo horumarinta awoodda hay’adeed ee Guddiga, kaas oo ay taageerayso Dowladda Sweden.

 

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed; Per Karlsson, Madaxa Iskaashiga Horumarinta ee Arrimaha Soomaaliya ee Safaaradda Sweden; iyo Mikael Johansson, Agaasimaha RWI ee Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa isugu yimid xubnaha Guddiga iyo khubaro caalami ah oo ku xeeldheer xuquuqul insaanka, si loo xoojiyo hannaanka maamulka Guddiga, loo ilaaliyo madax-bannaanidiisa, loona adkeeyo isla-xisaabtanka iyo nidaamyada lagu horumarinayo gudashada waajibaadkiisa sharciyeed.

Mawduucyada lagu falanqayn doono inta uu socdo aqoon-is-weydaarsigu waxaa ka mid ah dib-u-eegista siyaasadaha iyo habraacyada Guddiga, u diyaargarowga aqoonsiga Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Qaranka ee Xuquuqul Insaanka (GANHRI), iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta xuquuqul insaanka.

Waxaa sidoo kale aqoon-is-weydaarsiga ka qaybqaadanaya wakiillo iyo khubaro ka socda hay’adaha xuquuqul insaanka ee dalalka Sweden, Ghana, Kenya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Marooko, kuwaas oo soo bandhigi doona aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga ee lagu dhisayo hay’ad qaran oo xooggan oo madax-bannaan, si hufan u shaqaysa, isla markaana xoojisa isla-xisaabtanka, dhowrista karaamada aadanaha iyo ilaalinta xuquuqul insaanka guud ahaan Soomaaliya.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here