Muqdisho – Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ku howlan ka soo talo-bixinta warbixinta xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka, ayaa maanta kulan wadajir ah ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, ayaa su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Gige, iyo xubnihii kale ee la socday.
Su’aalaha la weydiiyay ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray habka loo maareeyo dakhliga aan ku jirin miisaaniyadda, kharashaadka dheeraadka ah ee ay isticmaalaan hay’adaha dowladda, saamiga iyo dakhliga ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, deeqaha dibadda iyo arrimo kale oo muhiim ah, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Gige, iyo xubnihii kale ee la socday ay mid mid uga jawaabeen dhammaan su’aalihii laga waydiiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka.
Su’aalaha Wasiirka la weydiiyay ayaa ka dhashay dib-u-eegis qoto dheer oo ay Guddiyada Maaliyaddu ku sameeyeen xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka, iyo warbixinta baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, iyadoo la raacayo qodobka 45-aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Lr. 2019).





