Xasan Cali Khayre oo cambaareeyay dilka shacabka ka dhacay degmada Deyniile

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo uu sheegay in maanta lagu dilay dad shacab ah xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile, halkaas oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeeday dhul-boobka, burburinta guryaha iyo barakicinta dadka deegaanka.

 

Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, isagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto saddexda qof ee uu sheegay in la dilay, sidoo kalena uu caafimaad degdeg ah siiyo dadkii ku dhaawacmay.

Bayaan uu soo saaray ayuu Khayre ku sheegay inuu aad uga xun yahay waxa uu ku tilmaamay adeegsiga awoodda dowladda ee ka dhanka ah shacabka dibadbaxa nabadeed ka dhigayay degmada Deyniile.

Wuxuu eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku andacooday in amarka lagu laayay dadka shacabka ah uu ka yimid hoggaanka dowladda. Khayre ayaa sidoo kale tallaabooyinka ka socda xaafadaha degmada Deyniile ku tilmaamay kuwo la xiriira dhul-boob, burburin iyo barakicin sharci-darro ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa baaq u diray saraakiisha iyo askarta ciidamada ee loo adeegsanayo howlaha ka socda xaafadaha degmada, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, isla markaana ay ilaaliyaan nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa saraakiisha iyo askarta loo adeegsanayo dilka shacabka iyo burburinta guryahooda inay ka waantoobaan tacaddiyada ay kula kacayaan dadkii ay u dhaarteen inay difaacaan, ayna dhawraan nolosha, karaamada iyo xuquuqda shacabka,” ayuu ku yiri bayaankiisa.

Khayre ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada xusuusiyay in ay jiri doonto maalin lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo dembiyo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado ka dhashay howlgallada burburinta guryaha iyo muranka dhulka ee ka socda qaybo ka mid ah degmada Deyniile, kuwaas oo dhaliyay cabashooyin iyo dibadbaxyo ay sameynayaan dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here