MUQDISHO – Xubnaha Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira korjoogteynta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, oo uu hoggaaminayay Hantidhowraha Guud, Mudane Axmed Ciise Guutaale.
Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiye Ku-xigeennada Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal, Senator Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa diiradda lagu saaray warbixin ku saabsan hannaanka xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka iyo habraacyada hantidhowrka ee lagu sameeyay hay’adaha dowladda.
Warbixinta ayaa si gaar ah u taabanaysay hubinta saxnaanta kharashaadka, isticmaalka hantida dowladda iyo xaqiijinta isla-xisaabtanka maaliyadeed.
Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddiyada Maaliyaddu waxay Hantidhowraha Guud ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlihii hantidhowr ee la qabtay, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, xubnaha guddiyadu waxay mas’uuliyiinta weydiiyeen su’aalo la xiriira hannaanka hantidhowrka, kuwaas oo ay mas’uuliyiinta Xafiiska Hantidhowrka Guud si faahfaahsan uga jawaabeen.




