Jabuuti – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa heshiis is-afgarad la saxiixday dhiggiisa dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga labada baarlamaan.
Heshiiska is-afgaradka ah ayaa diiradda saaraya horumarinta hannaanka sharci-dejinta, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, is-weydaarsiga waayo-aragnimada, qabashada tababarrada, cilmi-baarista sharciyeed iyo casriyeynta hababka shaqo ee labada baarlamaan.
Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu xoojinayaa wada-shaqeynta guddiyada joogtada ah, adeegsiga farsamada casriga ah, sugidda amniga xogta, dhismaha kooxaha saaxiibtinimada baarlamaannada labada dal iyo isku-dubbaridka mowqifyada labada dhinac ee fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.





