MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska sannad-guurada 103-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo galabta lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa hambalyo ku aaddan munaasabaddan u diray dowladda iyo shacabka Turkiga, isagoo xusay xiriirka saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo is-garab istaag.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay dadaallada ay ku bixiso horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu saldhig u yahay iskaashi miro-dhal ah, kaas oo horseeday hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax weyn ka taraya nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.




