Baku – Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa ammaanay ciyaartoyda da’da yar ee xulka qaranka Soomaaliya U-15, kaddib bandhigga wanaagsan ee ay ka sameeyeen tartanka FIFA U-15 World Cup & Festival 2026, oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Gianni Infantino, oo si toos ah u daawanayay kulan adag oo wareegga afar-dhammaadka (Semi-final) ah oo dhex maray xulalka Soomaaliya iyo Canada, ayaa bogaadiyay kartida, dadaalka iyo heerka ciyaareed ee ay soo bandhigeen ciyaartoyda Soomaaliyeed, kuwaas oo tartankan ku muujiyay xirfad iyo awood ciyaareed.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).
Joogitaanka Madaxweynaha FIFA iyo hoggaanka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa muujinaya muhiimadda uu tartankani u leeyahay horumarinta kubadda cagta da’yarta, kobcinta hibada ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo abuurista fursado ay kula tartamaan xulalka dalalka kale.
Xulka Soomaaliya U-15 ayaa tartanka ka sameeyay bandhig muuqda, iyagoo guulo ka gaaray dhowr kulan oo ay ciyaareen, taas oo sare u qaadday rajada laga qabo mustaqbalka kubadda cagta da’yarta Soomaaliya.




