Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, ayaa looga hadlay adkeynta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada nabad ilaalinta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada amni iyo sii xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, loona xaqiijiyo nabadda iyo badbaadada shacabka.





