Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabilay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho — Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan.

 

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhoweyn ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxay sidoo kale isla eegeen fursadaha lagu dardargelin karo wada-shaqeynta labada dhinac iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulisay, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta taageeradaas iyo xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah ee labada shacab.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha Turkiga ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay sii adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriir ku dhisan saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo danaha wadaagga ah ee labada dal.May be an image of one or more people, newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here