Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dhoofinta xoolaha nool iyo iskaashiga dhaqaalaha

0

Jeddah — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fu’aad Xuseen, intii uu socday kulanka 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

 

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta hawlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo beeraha.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa kulanka ku muujisay rabitaankeeda ah inay bilowdo dhoofinta xoolaha nool ee loo iibgeeyo dalka Ciraaq, taas oo qayb ka noqon karta ballaarinta xiriirka ganacsi ee labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Ciraaq soo dhoweynta diirran iyo martigelinta kulanka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC.

Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa mar kale carrabka ku adkeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay Ciraaq, iyadoo labada dhinac ay ka shaqeynayaan horumarinta danaha wadajirka ah.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here