MUQDISHO – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, oo ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Qaranka, Marwo Naciima Ibraahim Yuusuf.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn si diirran u soo dhoweeyay xubnaha Golaha Haweenka Qaranka, isaga oo tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada iyo aas-aaska muhiimka u ah jiritaanka iyo horumarka qoyska iyo qaranka. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay yeeshaan gole si gaar ah uga shaqeeya horumarinta, ilaalinta iyo u doodista xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu, isaga oo tusaalooyin iyo dhacdooyin muhiim ah u soo qaatay kartida, kaalinta iyo awoodda haweenka Soomaaliyeed, ayaa xusay doorka muuqda ee ay haweenku ku leeyihiin nabadeynta, horumarinta bulshada iyo dowlad-dhiska.
Waxa uu ballan-qaaday inuu kala shaqeynayo Golaha Haweenka Qaranka aragtiyada iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga, nabadda, dowlad-wanaagga iyo wada-shaqeynta bulshada, si loo horumariyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda, bulshada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.




