DOHA – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo ay weheliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wafdiga, ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarradii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha caalamka, gaar ahaan amniga iyo nabadda, iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen xal u helidda arrimaha caqabadaha ku ah habsami-u-socodka ganacsiga adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo waxqabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan oo ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sida ay u garab istaagtay madax-bannaanida dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya xilli lagu soo xadgudbay Jamhuuriyadda, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.




