Muqdisho – Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo uu xilka kula wareegay Garsoore Sare Cabdalle Xaaji Maxamed.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Xasan Macallin, Guddoomiyaha Maxkamadaha Racfaanka, Mudane Siciid Cali Maxamed, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qaybgalay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, bahda qareennada iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha garsoorka dalka.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, oo munaasabadda ka jeediyey hadal kooban, ayaa ku adkeeyey in hawlihii shaqo ee Maxkamadda Sare ay halkoodii ka sii socon doonaan, isla markaana la dardargelin doono dadaallada lagu horumarinayo garsoorka dalka.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta caddaaladda, dhowrista sharciga iyo ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, si loo horumariyo hannaanka cadaaladeed ee dalka. Xil-wareejintan ayaa si rasmi ah u calaamadeynaysa bilowga gudashada waajibaadka guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.




