Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing ka jeediyey khudbad ku saabsan mustaqbalka warbaahinta

0

Beijing – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha Toddobaad ee Warbaahinta Adduunka oo ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

 

Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa saameynta garaadka macmalka ah (AI) uu ku leeyahay warbaahinta, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah si horumarka tiknoolajiyaddu uga qayb qaato helitaanka xog sugan iyo kor u qaadista kalsoonida bulshada ee warbaahinta. Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa khudbaddiisa ku baaqay in is-afgaradka ka dhasha shirka loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xirfadaha suxufiyiinta, lagu ballaarinayo helitaanka tiknoolajiyadda, laguna ilaalinayo anshaxa saxaafadda.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in saxnaanta wararka iyo mas’uuliyadda tifaftirku ay udub-dhexaad u ahaadaan isbeddelka iyo casriyeynta warbaahinta, gaar ahaan xilli garaadka macmalka ah uu si isa soo taraysa u saameynayo habka loo soo saaro, loo faafiyo, loona helo xogta. Isagoo ka hadlayey xaaladda iyo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya, Wasiirku wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha suxufiyiinta, casriyeynta adeegyada warbaahinta iyo horumarinta agabka iyo kaabeyaasha warbaahinta dalka.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi caalami ah oo ku dhisan wadaagga aqoonta, xaqiijinta xogta iyo hirgelinta mashaariic leh natiijooyin la cabbiri karo. Dhankiisa, Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha, Wakaaladda Wararka Xinhua iyo Xoghaynta Shirweynaha qabanqaabada iyo martigelinta madashan oo ay ka qaybgalayaan wakiillo iyo madax ka socda warbaahinta caalamka.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here