Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad Ka Jeediyey Shirweynaha IPU

0

Arusha, Tanzania –   Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

 

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalalka iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada caalamka. Waxa uu ugu horreyn dowladda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyey martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen wafdiyada kala duwan ee ka qeybgalaya shirweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo bandhigay himilada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha baarlamaan madax-bannaan, hufan, loo dhan yahay, shacabka u dhow, isla markaana kaalin muhiim ah ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah, isagoo xusay in doorashooyin deegaan oo toos ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidoo kale dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, halka geeddi-socodka doorashooyinkuna uu meelo kale ka sii socdo.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in mudnaan gaar ah la siiyo xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida hay’adaha qaranka, isla markaana dowladda lagula xisaabtamo, taas oo uu sheegay inay kaalin ka qaadan karto dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo ay ka qeybgalayaan madax iyo wakiillo ka socda baarlamaannada dalalka caalamka, ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here