Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti

0

Carta, Jabuuti – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo safar rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa booqasho ku tagay dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee dalkaasi, si uu u soo arko horumarka laga sameeyay kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada ganacsiga.

 

Guddoomiyaha ayaa booqday Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP), halkaas oo uu warbixinno ka dhageystay howlaha dekedaha iyo nidaamyada casriga ah ee loo adeegsado maareynta xamuulka iyo adeegyada saadka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in booqashadani ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, is-dhaafsiga khibradaha maamulka dekedaha, horumarinta adeegyada saadka iyo fududeynta isu-socodka ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey Dowladda Jabuuti horumarka ay ka sameysay casriyeynta iyo maamulka dekedaha, tayeynta adeegyada saadka, horumarinta kaabeyaasha ganacsiga iyo fududeynta maalgashiga. Booqashadan ayaa qeyb ka ah safarka rasmiga ah ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku joogo Jabuuti, iyadoo ay labada dal leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan ganacsiga, dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here