Muqdisho, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Muqdisho kulan casho sharaf ah ugu sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka oo ahaa mid is-xogwareysi ah ayaa waxaa ka qeyb galay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo tan siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka ka hadlay, ayaa xildhibaannada labada Aqal uga mahadceliyay ka soo qeybgalka kulanka, isaga oo sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay ku cusub tahay in siyaasi uu Khawaarijta kaalmeysto, arrintaas oo uu tilmaamay inay keeni karto cawaaqib xun haddii aan laga hortagin.
Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa sidoo kale ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo ciidamada nabad-ilaalinta, isaga oo su’aal ka keenay sababta Khawaarijtu ay weli u joogaan goobihii ay ciidamadaasi ku sugnaayeen.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la weydiin doono sababta nin ka tirsan Khawaarijta, oo dowladda Soomaaliya ay gelisay liiska madow, uu weli ugu sugan yahay dalka Kenya, gaar ahaan goobo la yaqaan, iyadoo aan wax tallaabo ah laga qaadin.




