Hab-dhowre Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo aqoon-is-weydaarsi u furtay qaar ka mid ah guddiyada Golaha

0

Muqdisho, Soomaaliya — Hab-dhowre Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte), ayaa aqoon-is-weydaarsi ku saabsan kor-joogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda u furtay qaar ka mid ah guddiyada Golaha Shacabka.

 

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, iyo Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, xildhibaanno kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), iyo howlwadeenno ka tirsan Golaha Shacabka.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay iska kaashanayaan Golaha Shacabka iyo Hay’adda SONSA ee ururrada bulshada rayidka ah ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana inta uu socdo ka qeyb qaadan doona khubaro ka kala socota gudaha iyo dibadda dalka.

Inta uu socdo kulanka, ka qeybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga doodi doona arrimaha la xiriira shaqada sharci-dejinta, doorka guddiyada Baarlamaanka ee kor-joogteynta, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyo sidii loo xoojin lahaa hannaanka isla-xisaabtanka iyo dabagalka howlaha hay’adaha dowladda.

Hab-dhowre Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte), oo si rasmi ah u furtay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa uga mahadcelisay qabanqaabiyeyaasha iyo hay’adaha ka qeyb qaatay qabsoomidda kulanka.

Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay in xildhibaannada iyo guddiyada Golaha Shacabka loo xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here