Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa caawa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah u sameeyey ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaas oo guul taariikhi ah ka soo hooyey tartanka CECAFA U-17 ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal mahadnaq iyo dhiirrigelin ah u jeediyey ciyaartoyda da’yarta ah, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qarankooda u soo hooyey sharaf iyo sumcad, isla markaana dhigay taariikh ay ku faani karaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in ciyaartoydu garoomada ku muujiyeen karti, geesinimo, isku-duubni iyo jacaylka ay u qabaan calanka Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ciyaartoydan ay mustaqbalka guulo waaweyn ka gaaraan tartamada heer gobol, heer qaaradeed iyo heer caalami, isla markaana ay magaca Soomaaliya ka dhex iftiimiyaan fagaarayaasha kubadda cagta.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shirkadaha waaweyn iyo ganacsatada awoodda dhaqaale leh ugu baaqay inay maalgashi dhab ah ku sameeyaan ciyaaraha dalka, si loo horumariyo tayada kooxaha, loo kobciyo hibada dhallinyarada, loona dhiso mustaqbal ciyaareed oo wanaagsan.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Habdhowre Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, wasiirro ay ka mid tahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo mas’uuliyiin kale.





