Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi lahaa

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi lahaa, kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u qaaday codka kalsoonida.

 

Kulanka 28-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta Golaha, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, xildhibaannada ayaa u codeeyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee Abriil 2012. Waxaa oggolaaday 137 xildhibaan, afar ayaa diiday, halka saddex xildhibaan ay ka aamuseen.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), xubin ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha iyo laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Intaas kaddib, Golaha Shacabka ayaa guda galay su’aalo wadareed ku saabsan waajibaadka iyo howlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Su’aalaha ayaa wasiirka loo gudbiyey kadib markii xildhibaano ka tirsan Golaha ay Guddoomiyaha u gudbiyeen mooshinka 10-kii Oktoobar 2026.

Markii wasiirka laga dhageystay jawaabaha la xiriira xaaladda guud ee caafimaadka dalka, ayaa xildhibaannadu u qaadeen codka kalsoonida, si loo go’aamiyo inuu xilka sii hayo iyo in kale. Natiijada codbixinta, oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa noqotay in 89 xildhibaan ay u codeeyeen in wasiirku xilka sii hayo, halka 50 xildhibaan ay taageereen in kalsoonida lagala noqdo. Shan xildhibaan ayaa ka aamusay.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in wasiirka uu xilkiisa sii wato, maadaama tirada xildhibaannada taageeray sii joogistiisa ay ka badatay kuwa codsaday in xilka laga qaado. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka soo xiray, isaga oo xildhibaannada uga mahadceliyey ka soo qaybgalka iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here