Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Jowhar

0

Jowhar – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa magaalada Jowhar u tegay ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here