Nairobi, Kenya – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Wakiilka Sare ee Hindiya u fadhiya Kenya, ahna Safiirka Hindiya ee Soomaaliya, Mudane Adarsh Swaika.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha, u guurista nidaamyada dhijitaalka ah iyo xoojinta iskaashiga kooxaha fanka iyo dhaqanka.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa Dowladda Hindiya uga mahadceliyey taageerada iyo iskaashiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo warbaahinta qaranka, kooxaha dhaqanka iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo horumarinta xirfadaha.




