Balanballe, Galgaduud – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay Guriga Nabadda iyo Dugsiga Agoonta, kaddib markii degmada lagu soo gabagabeeyey shir lagu dhammaystiray heshiiska nabadeed ee u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo muddo dheer dirir sokeeye ku dhex martay deegaannada u dhexeeya Balanballe iyo Guriceel.
Munaasabadda dhagax-dhigga Guriga Nabadda waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.
Guriga Nabadda ee laga dhagax-dhigay Balanballe ayaa noqon doona xarun iyo astaan u taagan nabadda iyo wadajirka bulshada, halka Dugsiga Agoonta loogu talagalay carruurta waalidkood ku waayay colaadaha sokeeye, waxaana dugsiga wax ku baran kara ilaa 600 oo arday. Colaadda muddada dheer u dhexaysay labada beelood ee walaalaha ah ee ku nool deegaannada Guriceel iyo Balanballe ayaa saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo deegaanka.
52 oday oo kala matalayay labada beelood ayaa shalay goobjoog ka ahaa madal ay Ugaas Xasan iyo Ugaas Maxamed ku kala saxiixdeen heshiiska lagu dhammaystirayo nabadda labada beelood. Heshiiska ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu soo afjarayo colaaddii muddada dheer ka jirtay deegaanka, looguna gogol-xaarayo nabad, wada noolaansho iyo dib-u-dhiska xiriirka bulshada.





