Rome, Talyaaniga – Munaasabadda “ECCELLENZE 2026”, oo macnaheedu yahay “Waxqabadka Heerka Sare ee 2026”, laguna qabtay xarunta Baarlamaanka Talyaaniga, ayaa lagu soo bandhigay xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga, Danjire Khaalid Macow Cabdulqaadir, iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray horumarka laga sameynayo dhinacyada dhaqanka, isdhexgalka bulshada iyo waxbarashada, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal.
Sidoo kale, waxaa la xusay kaalinta ay warbaahinta Soomaaliya iyo Talyaanigu ka qaataan horumarinta iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Ugu dambayn, waxaa billado sharaf la guddoonsiiyey shaqsiyaad loo aqoonsaday inay sannadkaas qabteen adeegyo bulsho oo muuqda. Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa iyadana si gaar ah loogu abaalmariyey kaalinteeda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.




