Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Shacabka

0

Muqdisho  –   Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Kooramka kulanka ayaa ku furmay 141 Xildhibaan, kuwaas oo ugu horreyn u codeeyey xubin ka bannaanayd Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa u codeeyey Maxamed Xasan Nuur, oo ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka u soo xushay inuu buuxiyo xubintii ka bannaanayd Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka. Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 141 Xildhibaan ay oggolaadeen, halka laba Xildhibaan ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada, wuxuuna kula dardaarmay inay xoogga saaraan sidii Golaha Shacabku uga shaqeyn lahaa shuruucda muhiimka ah ee horyaalla kalfadhiga 8-aad.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay 20-kii Abriil 2012, iyo Borotokoollada kaabaya afarta Axdi ee Geneva ee 1949-kii.

May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here