Maxaas – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo dhacay 12-kii Agoosto 2026 ayaa, sida ay sheegtay NISA, lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka dhaawac culus uu soo gaaray horjooge sare oo lagu magacaabo Mustaf Caato, kaas oo hay’addu ku sheegtay inuu ahaa madaxa guud ee waxa ay kooxda ugu yeerto Jabhadaha Gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in Mustaf Caato uu dhaawac halis ah ka soo gaaray howlgalka, kaddibna laga qaaday degmada Maxaas loona gudbiyay Ceelbuur si loogu daweeyo. Hay’addu waxay sheegtay in Mustaf Caato uu muddo ku lug lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka weerarrada Al-Shabaab, isla markaana uu horey u soo maamulay qeybta qaraxyada iyo naftood-haligayaasha.
Saddexda horjooge ee kale ee lagu dilay howlgalka ayaa lagu kala magacaabay Cabdi Xaafid, oo ka tirsanaa qeybta qaraxyada; Daalibaan, oo ka tirsanaa qeybta gurmadka Gobolka Hiiraan; iyo Cumar Xuseen, oo horjooge u ahaa qeyb ka mid ah waxa kooxda ugu yeerto Jabhadaha. Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in dhaawac culus uu soo gaaray laba horjooge oo kala ah Maxamed Eeney iyo Salaad Buur.
Hay’adda ayaa tilmaantay in Mustaf Caato uu muddo ka mid ahaa bartilmaameedyada mudnaanta sare u lahaa hay’adaha amniga, sababo la xiriira doorkiisa hoggaamineed ee abaabulka iyo dagaallada Al-Shabaab. NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda iyo hoggaanka Al-Shabaab, isla markaana lagu beegsanayo saraakiisha iyo shabakadaha kooxda.




