Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaadatay Awa Dabo, Ku-xigeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada hadlay dadaallada lagu hirgelinayo xafiiska OHCHR ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay arrintani u leedahay xoojinta hay’adaha qaranka, taageeridda dadaallada xuquuqul insaanka iyo kobcinta iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa OHCHR uga mahadcelisay taageerada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta iyo dhowrista xuquuqul insaanka dalka.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, iyo khuburo iyo la-taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.





