Nairobi, Kenya: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir-guddoomiyey kulanka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo dardargelinta is-dhexgalka gobolka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa kaga hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Ugu horreyn, Guddoomiyuhu waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka Kenya iyo Baarlamaanka dalkaas uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey madaxda iyo wafdiyada ka qaybgalaya kulanka, iyo qabanqaabada heerka sare ah ee martigelinta shirka. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey xoghayeyaasha baarlamaannada iyo xoghayeyaasha guud dadaalka, hawlkarnimada iyo diyaar-garowga ay muujiyeen intii uu socday kulankii farsamo ee loogu diyaar-garoobayey shirka, kaas oo qabsoomay 27-ka iyo 28-ka Oktoobar 2026.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay laba qodob oo muhiim ah. Qodobka koowaad waxa uu ku saabsanaa dib-u-eegista horumarka laga sameeyey hirgelinta go’aankii Shir-madaxeedka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika ee ku saabsanaa gunnooyinka iyo doorashada xubnaha Baarlamaanka Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), kaas oo la qorsheeyey inuu dhaqan galo Diseembar 2027.
Qodobka labaad ayaa ku saabsanaa dhageysiga warbixin ku saabsan diyaar-garowga Ciyaaraha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC Inter-Parliamentary Games), oo lagu qaban doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania, inta u dhexeysa 4-ta iyo 15-ka Diseembar 2026.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar-garowday ka qaybgalka ciyaaraha baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, isla markaana Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu tartanka u diri doono wafdi isboorti, si loo xoojiyo xiriirka, saaxiibtinimada, isku-duubnida iyo is-dhexgalka baarlamaannada iyo dalalka gobolka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyeyaasha baarlamaannada ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa go’aanno ku habboon, wax-ku-ool ah oo la wada qaadan karo, kuwaas oo u adeegaya danta guud ee baarlamaannada iyo guud ahaan Bulshada Bariga Afrika.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujiyey kalsoonidiisa ku aaddan in wada-tashiga iyo iskaashiga guddoomiyeyaasha baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika uu horseedi doono natiijooyin wax-ku-ool ah oo xoojinaya wada-shaqeynta baarlamaannada, kobcinaya isku-duwidda hay’adaha, isla markaana horumarinaya himilooyinka iyo ujeeddooyinka wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay ka qaybqaadashada wada-tashi wax-ku-ool ah iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada gobolka.




