Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Askarta ku Dhaawacantay Howlgallada ka Dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday askarta ku dhaawacantay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

Taliyaha ayaa askarta dhaawacantay mid mid u wareystay xaaladdooda caafimaad, isagoo u muujiyey garab istaag iyo dhiirrigelin.

Sidoo kale, waxa uu warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey xaaladaha caafimaad ee askarta iyo dadaallada lagu bixinayo daryeelkooda. Taliyaha ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here