Arusha, Tanzania – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Kenya, Moses Wetang’ula.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya baarlamaannada Soomaaliya iyo Kenya, is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo kobcinta aqoonta hay’adeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay doorka ay baarlamaannadu ku leeyihiin metelaadda danaha iyo himilooyinka labada shacab, iyo muhiimadda xiriir ku dhisan is-ixtiraam, is-afgarad iyo dano wadaag.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in iskaashiga labada baarlamaan uu gacan ka geysan karo dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada dal iyo guud ahaan gobolka. Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Arusha, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya uu halkaasi uga qaybgalayo shirar iyo kulamo baarlamaan oo heer gobol iyo caalami ah.





