Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay kulan ku saabsan maalgelinta u diyaargarowga musiibooyinka Afrika

0

Antalya, Türkiye – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Antalya ee dalka Türkiye kaga qaybgalay kulan gaar ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda African Risk Capacity (ARC), kaas oo ka dhacay Hoolka Midowga Afrika ee shirka COP31.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta u diyaargarowga khataraha musiibooyinka ee qaaradda Afrika, ballaarinta tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka iyo ilaalinta bulshooyinka nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku soo bandhigay waayo-aragnimada Soomaaliya ee barnaamijka caymiska abaaraha ee ARC, faa’iidooyinka laga helay iyo casharradii laga bartay maalgelinta gurmadka, gaar ahaan abaarihii dalka ka dhacay labadii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu sidoo kale la wadaagay ka qaybgalayaasha khibradda Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo xoojin lahaa u diyaargarowga musiibooyinka iyo helitaanka maalgelin degdeg ah oo lagu taageero bulshada ay saameeyaan abaaraha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Waarta ee dalka Guinea, Maareeyaha Guud ee Hay’adda ARC, madax sare oo ka tirsan Midowga Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Ka qaybgalka Guddoomiyaha SoDMA ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta hannaan lagu sii xoojinayo u diyaargarowga iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here