Soomaaliya oo ka qayb gashay tababar caalami ah oo lagu tayeynayo adeegyada Xajka

0

JIDDAH – Wafdi ka socda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya kaga qaybgalay tababar caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Tababarkan oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socday dalalka caalamka Islaamka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista hufnaanta howlaha Xajka, tayeynta adeegyada loo fidiyo xujeyda iyo horumarinta hab-maamulka iyo isku-duwidda shaqada inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka.

Wafdiga Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qaybqaatay kulammada iyo hawlaha tababarka, iyagoo wakiillada dalalka kale la wadaagay khibrado iyo aragtiyo la xiriira adeegyada Xajka iyo habka ay Soomaaliya u maamusho howlaha la xiriira gudashada waajibaadka Xajka.

Tababarkan oo socday muddo afar maalmood ah ayaa la qabtay ka hor shirka 6-aad ee caalamiga ah ee arrimaha Xajka. Gabagabadii tababarka, xubnaha wafdiga Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin caddeynaya ka qaybgalka iyo dhammaystirka tababarka.

Ka qaybgalka wafdiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee tababarkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono kor u qaadista aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada maamulka, qorsheynta iyo habsami-u-socodka howlaha Xajka.

Aqoonta iyo khibradaha laga kororsaday tababarka ayaa sidoo kale la filayaa inay door ka qaataan horumarinta tayada adeegyada la siiyo xujeyda Soomaaliyeed iyo hagaajinta maamulka howlaha Xajka sannadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here