Beledweyne – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Guddoomiyaha SoDMA waxaa magaalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha, gaar ahaan saameynta la filayo ee El Niño.
Inta uu ku sugan yahay Beledweyne, Guddoomiyaha SoDMA ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa uu sidoo kale booqan doonaa deegaannada ku dhow biyo-mareennada, si loo qiimeeyo xaaladda loona xoojiyo wacyigelinta bulshada.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bulshada ugu baaqay in la furo lana nadiifiyo biyo-mareennada, si loo fududeeyo qulqulka biyaha loogana hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ku boorriyay inay ka fogaadaan goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo khatarta.




