Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray gargaar loogu talagalay reer Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN)  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maamulka Hirshabelle Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo Saraakiil katirsan SoDMA ayaa maanta Booqday Baqaarada ay ku jiraan Raashin hay’adda ugu talagashay shacabkii Sameenta ka soo gaartay Fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Baladweyn.

Raashinkaan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka,Daawo iyo dhar ayaa maalmaha soo aadan waxaa la garsiin donaa danyarta dhibaatada ka soo gaartay Fataahada wabiga.

Guddoomiye Maxamuud Macalim ayaa dhanka kale waxa uu booqday Raashin Hay’adda King Salmaan ugu talagashay Shacabka Baladweyne kaas oo isna maalinta berri ah la qeybin doono Guddoomiyaha ayaa sheegay in markaan xooga saari donaan ka Hay’adda ahaan in markale shacabka ka barakicin fatahaad ayna keeni donaan qorshe looga hortagayo fatahaada Wabiga ka sameeyo xafadaha Magaaladaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here