Sawirro: Hay’ada Socdaalka oo xarun cusub ka furatay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsoyadda Soomaaliya ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Kismaayo waxay maanta xarigga uga jareen xarun cusub oo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ay ka dhisatay Kismaayo.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada xaruntaan cusub ay u leedahay shacabka reer Jubaland, isagoo sheegay in baahi weyn loo qabay, isla markaana ay ka faa’iidaysa doonaan, maadama Jubbaland ay xuduud dheer la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in dhawaan la furi doono xuduudka ay Soomaaliya la leedahay Kenya, taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’ada looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here