Guddoomiyaha SoDMA oo kulan fogaan-arag ah la yeeshay qurba-joogta Soomaaliyeed

0

Muqdisho  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan fogaan-arag ah la yeeshay qurba-joogta Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Ururka Somali Global Diaspora (GSD).

 

Kulanka ayaa looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay ka dhashaan xaaladda El Niño iyo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo khasaaraha ka dhalan kara.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaataan dadaallada gurmadka iyo ka-hortagga fatahaadaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada gurmadka.

Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa dhankooda muujiyay diyaar-garowgooda ku aaddan inay kaalin ka qaataan taageeridda dadaallada gurmadka iyo wacyigelinta bulshada. Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay qurba-joogta Soomaaliyeed garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyaan dalkooda.May be an image of television and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here