MUQDISHO – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa si adag u dhaliilay xaaladda dhaqaale iyo bulsho ee dalka, isagoo sheegay in afartii sano iyo saddexdii bilood ee ka dambeysay doorashadii madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu dalka ka dhacay hoos-u-dhac dhaqaale iyo mid bulsho.
Shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xogaha uu hayo ay muujinayaan in hoos-u-dhac weyn uu ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka, awoodda wax-iibsiga qoysaska iyo macaashka ganacsiyada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in muddadaas ay koror ballaaran ku yimaadeen shaqo-la’aanta, sicir-bararka, saboolnimada iyo tirada dadka barakacayaasha ah.
Kheyre ayaa intaa ku daray in xukuumadda uu ku tilmaamay “taliska” ay ka faa’iideysatay xaaladda dalka, isagoo ku eedeeyay inay ku xoogaysatay xaalufinta hantida qaranka iyo boobka dhulka danta guud. DAAWO.




