ANTALYA, TURKIYE – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Jean Chrysostome Ngabitsinze, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Guud ee Hay’adda African Risk Capacity (ARC), intii uu socday shirka COP31 ee ka dhacay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgelinta khataraha musiibooyinka, ballaarinta adeegyada caymiska, horumarinta nidaamyada digniinta hore iyo xoojinta u diyaar-garowga saameynta isbeddelka cimilada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga, isla markaana xogaha laga helo nidaamyada digniinta hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo nolosha iyo hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul ee ay saameyn karaan musiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ugu dambeyn Hay’adda African Risk Capacity (ARC) uga mahadceliyay dadaalladeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay ka geysanayso horumarinta nidaamyada maareynta khataraha musiibooyinka.




