Wasiirka Cadaaladda oo Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka ku eedeeyay inay isku bahaysteen ka-hor-tagga dowladda Federaalka

0

MUQDISHO – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, ayaa eedeyn culus u jeediyay maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay isku bahaysteen tallaabooyin ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhinacyadan ay sameysteen isbahaysi uu ku tilmaamay mid lagu wiiqayo dowladda dhexe, xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xasan Macallin ayaa eedeymahan jeediyay iyadoo khilaafka siyaasadeed ee dalka uu si weyn ula xiriirayo arrimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Khilaafka ayaa sidoo kale salka ku haya kala aragti duwanaanshaha dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan awood-qaybsiga, hannaanka dowlad-dhiska iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Hadalkan wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan loollanka siyaasadeed iyo is-mariwaaga u dhexeeya dowladda Federaalka, maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku kala aragti duwan arrimaha dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here