Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Marwo Maryan Seylac, iyagoo ka wada hadlay xaaladda haweenka ka shaqeeya warbaahinta iyo sidii loo horumarin lahaa xirfadahooda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha ay haweenka saxafiyiinta ahi kala kulmaan gudashada waajibaadkooda shaqo, fursadaha tababar ee ay u baahan yihiin iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfadahooda warbaahineed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerada haweenka ku jira mihnadda saxaafadda iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dheeraad ah oo lagu horumarinayo doorkooda warbaahinta.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaraddu muhiimad gaar ah siinayso ka qeybgalka haweenka ee warbaahinta, ilaalinta doorkooda iyo horumarinta xirfadahooda, si ay si buuxda uga qeyb qaataan shaqada saxaafadda.
Dhankeeda, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, Maryan Seylac, ayaa Wasiirka uga mahadcelisay qaabilaadda iyo kulanka, iyadoo guddoonsiisay nuqul ka mid ah warbixinta sannadlaha ah ee ururka oo cinwaankeedu yahay “Xaaladda Xorriyadda Haweenka ee Warbaahinta ka Shaqeeya ee Soomaaliya.”
Warbixinta ayaa si gaar ah uga hadlaysa xaaladda shaqo ee haweenka saxafiyiinta ah, caqabadaha ay kala kulmaan gudashada waajibaadkooda iyo baahiyaha la xiriira horumarinta xirfadahooda.




