Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA oo Muqdisho ku Daah-furay Shirka Kooxda Farsamada

0

Muqdisho – Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furay shirka Kooxda Farsamada ee Heer Qaran ee Soomaaliya u qaabilsan Diyaar-garowga iyo Tallaabada Horudhaca ah (Anticipatory Action).

 

Shirka oo la qabto saddexdii biloodba mar ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo khubaro ku howlan arrimaha maareynta khataraha musiibooyinka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan iyo horumarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo bulshada ka caawinaya yareynta saameynta musiibooyinka.

Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, oo kulanka hoggaaminayay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo qorshayaasha qaran iyo tallaabooyinka horudhaca ah ee lagu yareyn karo saameynta musiibooyinka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda wadajirka iyo iskaashiga hay’adaha, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha musiibooyinka.May be an image of ‎studying, dais and ‎text that says "‎الصومال လိ၂9မ ارةالخوارت الوطئية الهينة thecors The 2026 Quarter meeting For Somalia National Technical Working Group on Anticipation (NTWGAA) 2동질는 שווש- PBG Flm lisal Habo‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here