Guddoomiyaha SoDMA oo Kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha Fatahaaduhu Halis Geli Karaan

0

Beledweyne – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul ee halista ugu jira fatahaadaha, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay heerka biyaha webiga iyo xaaladda goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, iyadoo diiradda la saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa mas’uuliyiinta iyo bulshada Beledweyne ku adkeeyay inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo laguna xirayo meelaha uu webigu ka jilicsan yahay, si looga hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara. Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la saadaalinayo saameynta Super El Niño, oo si weyn u saameyn karta deegaannada ku teedsan webiyada.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here