Beledweyne – Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Hirshabeelle, xilli magaalada Beledweyne ay ka socdaan abaabullo siyaasadeed oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle iyo dib-u-doorashada Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.
Waxaa sii kordhaya mas’uuliyiinta iska casilaya xilalka ay ka hayaan maamulka Hirshabeelle, iyadoo magaalada Beledweyne ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
Abaabulka ka dhanka ah maamulka Hirshabeelle waxaa hormuud ka ah mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kaas oo hore u sheegay inuusan aqoonsanayn maamulka Hirshabeelle. DAAWO.




