IGAD iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed

0

Jabuuti – Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda Jarmalka ayaa magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadalkoodii sanadlaha ahaa ee iskaashiga, iyaga oo dib u xaqiijiyay xiriir iskaashi oo soo jiray in ka badan 30 sano, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta nabadda, adkeysiga, isdhexgalka gobolka iyo horumar waara oo ka hirgala Geeska Afrika.

 

Wafdiga IGAD waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Fulinta ee ururka, Dr. Workneh Gebeyehu, halka wafdiga Jarmalka uu hoggaaminayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wadahadallada ayaa lagu qiimeeyay horumarka laga sameeyay iskaashiga labada dhinac, waxaana dib loogu eegay mudnaanta ay wadaagaan, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqeynta si wax looga qabto caqabadaha amni, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira gobolka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, adkeysiga bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha dalalka ku jira gobolka Geeska Afrika.

Ururka IGAD ayaa Dowladda Jarmalka iyo canshuur-bixiyeyaasha dalkaas uga mahadceliyay taageerada muddada dheer ay siinayeen gobolka iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga.

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashigooda istaraatiijiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in iskaashigaasi horseedo natiijooyin waara oo wax ku ool u ah shacabka ku nool dalalka Geeska Afrika.May be an image of one or more people, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here