Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya Shirka Cimilada ee COP31 oo ka furmaya magaalada Antalya

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa u safri doona magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kaga qaybgalayo meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Cimilada (COP31).

 

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Shir-madaxeedka Antalya oo qayb ka ah Shirweynaha Cimilada ee COP31, isaga oo soo bandhigi doona qorshayaasha qaranka ee ka hortagga iyo la qabsiga waxyeellada taban ee isbeddelka cimilada, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta tamarta cagaaran, ka hortagga nabaad-guurka iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta heer caalami ee dadaallada wax looga qabanayo arrimahaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee shirka ka qaybgalaya, isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kale.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here