Maxamuud Macallin oo shir muhiim ah ka furay Dhuusamareeb + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta maamulka Galmudug waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee Galmudug.

 

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Gargaarka,Beeraha,Cafimaadka ee Galmudug, Masuuliyiin kale,wakiilo ka socda hay’addaha deeqaha bixiya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan hay’adda SoDMA.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaalada bini’aadannimo ee ka jirta Galmudug,
ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan Al-Shabaab laga saari doono oo ay ugu horeyso Magaalada Ceelbuur.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here