Gudiga qaban-qaabada doorashadda Madaxweynaha oo gudoon doortay

0

MUQDISHO [SMN] – Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha.

Xildhibaan, Maxamed Axmed beerreey oo la tartamayay guddoomiyaha cusub ayaa helay 5 cod, Senator Cabdi ismaaciil samatar oo isna loollan ugu jiray xilka guddoomiyenimo ayaa helay 2 Cod, halka Senator Cabdiqani Geelle Maxamed uu helay 10 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed keerow Maxamed ayaa ku guulaysay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada madaxwaynaha JFS kadib markii uu helay 9 Cod.

Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ayaa la filayaa in bishan gudaheeda ay diyaariyaan doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here