Hay’adda NISA oo shaacisay inuu usoo gacan galay la-taliyihii Axmed Godane

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

 

NISA ayaa shaaca ka qaaday in 16-kii sano ee lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu soo noqday la taliyihii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, kaas oo bishii 1-dii September 2014 lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareyku ka fuliyeen xeebta Baraawe.

Halkan hoose ka akhriso:-

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.

Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, Xilalka uu Khawaarijta Al-Shabaab kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Khawaarijta Al-Shabaab iyo Lataliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane. Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here