Sawirro: Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay hoggaanka sare ee Jubbaland

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiinta ugu saraysa Jubaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaasi Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

Waxaa sidoo kale lkulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay.

Jubaland ayaa dhawaan soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka.

DHAMMAAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here