Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulantay wafdi ka socday Midowga Afrika

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Xafiiska La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika, Mudane Idriss Mounir Lallali.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka iyo maareynta xuduudaha, iyadoo si gaar ah looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha ay khusayso.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay wadaagista xogta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falalka argagixisada, gaar ahaan dadka ka gudba xuduudaha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarka ay Hay’addu ka samaysay xaqiijinta iyo hubinta amniga xuduudaha, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah iyo nidaamyada dhijitaalka ah ee lagu maareeyo xogta socdaalka. Horumarradan ayaa gacan ka geystay xoojinta socdaalka sharciga ah, hagaajinta maamulka xogta iyo kor u qaadista awoodda lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah amniga dalka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka, si loo xoojiyo ka hortagga argagixisada iyo dambiyada xuduudaha isaga gudba, loona fududeeyo socdaalka sharciga ah.May be an image of table and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here